Maxaa ka taqaanaa degmada Ceeldheer
Ra'yiga dadweynaha
Prof. Togane
Somali Links
  A
  Afgarad
  Aminarts
  Altawxiid
  Allwaamo
  Arday
  Allgedo
  Allpuntland
  Ababshe 
  Agabso
  AllSomali
  Amsas
  Arlaadinet
  Abaaji
  Aftahan
  Afgoi
  All Mudug
  alljubbaland
  allsanaag
  B
  Bbanadir Radio
  Buulaay
  Bulugleey
  Buur Hakaba
  Baidoa
  Balcad
  Baafin
  Banaadiri
  Bakaaraha
  Banadir Software
  BBC Somaali
  Banadir
  Buuhoodle
  Bulsho
  Burtinle Online
  Baydhabo
  C
  Calanka New
  Carmooyin
  Ceelbuur Net 
  COGWO
  Cadayga
  Cayaaraha
  Calmadoow
  Ceel Buur
  Cigonet
  (CRD) Center
  D
  Dayniile
  Djibouti Net
  Dharkenley
  Danowadaag
  F
  Falsan
  G
  Galgaduud New
  Guulane 
  Garowe Online
  Ganacsato
  Gobanimo
  Gedonet
  Gabooye
  Galdogob
  Goobjoog
  Golkhatumo
  Gubta
  Garre
  Gedo Web
  H
  horseednet
  Horumar.org
  Harardhere
  Hilankatoosan
  Halgan News
  Hiiraantime
  Hiiraan.com 
  HornAfrik 
  Hamarey
  Harardheere
  I
  Idamaale
  IQK Radio
  Iibso
  Irin News
  Islii Net
  Ital Somali
  Iscaawin New
  Iqra Radio
  J
  Jowhar
  JubaLanad
  Jamhuuriya
  Jiimo Net
  Jowhar Online
  K
  Ken Somali
  Kismayo
  Kanavasom
  L
  Laascaanood 
  Lafoole
  Luuq new
  M
  Midnimo
  Marka Cadeey
  Mudulood
  Maayland
  Maaneed
  Mareeg.com
  Midgaan
  Maanta New
  Manaas New
  MarkacadeyNew
  Maktabada New
  Mudug-Online
  N
  Nugaal.net 
  Nugaal
  University
  O
  Onkod
  OsmanArt
  P
  Puntlandpost
  Puntlandtalk
  PuntlandTimes
  Q
  Qandala.com
  Qaranimo.com
  Qorahay Online
  R
  Radio banadir
  Radio Garowe
  S
  Somalifuture
  Shabelle
  Shabellenews
  Somali Mediacal
  Somali Market
  Somaliroots
  Shabeele
  ssup
  Shaxda
  Saaxil net
  Somali Law
  Somalinimo
  Somaliamerican
  Somlitech
  Somali Irrigation
  Somalichess.com
  Somaliedmonton
  Saafi Films
  Suuban
  Somali C. G.
  4Somaliwomen
  Somalipost
  Somali Edu
  Shinoshiop
  Sodapoj
  Saafi Studio
  Simad
  Suxufi
  Somal News
  Somali City
  Somali Six
  Somali IT
  Somali Weyn
  Somaliawatch.org
  Somali Education
  Somaliland.org
  Somaliland
  Somaliland Future
  Somalilandnet
  Somali Sunah
  Somalijournal
  SomaliNet
  Somaliwide
  Somalitalk.com
  Somalitribune
  Somalidoon
  SBC Online
  TVSomaliland
  Somaali
  Saylac news
  Swiss
  Somlywood
  Somalicty
  SomalistarTV
  T/U
  Ufurow
  Talowanaag
  W
  Waaga Cusub
  wadanka
  WidhWidh
  Warya 0nline
  Wayaha
  Wardoon
  Walaalnimo
  Waxgarad
  Wariye New
  Waaxweyn New
  X
  xamar Radio
  Xeraale
  Xogwaran
  Xidigtacad
  Xurnimo
  Y
  Yamayska
  Yoobsan
   
   
 
   
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
   
 
 
 
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
Last Updated Isniin 11-09-2006, 08:30 am Mogadishu-Somalia
Taariikhda iyo marxaladihii uu soo maray Degaanka Ceel Dheer 1937 - 2005

Mogadishu - 11-September -2006-Allceeldheer.com Degmada Ceeldheer waxay ka mid tahay Dagmooyinka ugu qadiimisan Gobalka Galgaduud waxayna dhacdaa dhinaca waqooyi bari ee gobalka,

Waxay 18 Km u jirtaa xeebta Mareeg ee Badweynta Hindiya. Degmadan ayaa markii ugu horaysay la soo degay sanadkii1937-dii kadib markii dadkii deganaa Mareeg oo aheyd magaalo taariikhi ah ay ka soo guureen dagaalkii labaad ee aduunka kadib kolkaas oo Talyaaniga iyo Ingiriiska uu dagaal dhinaca badda ah ku dhexmaray Mareeg.

Madaxdii gumaystihii Talyaaniga ayaa ku booriyay in dadkii ku noolaa Mareeg ay ka guuraan kuwaas oo marka laga reebo Talyaaniga isugu jiray Hindi, Carab iyo beelo kale oo soomaaliyeed, Hindidii iyo Carabtii ayaa u hayaameen magaaloyinka Cadale, Xamar iyo Baraawe halka reer Mareegii asalka ahaana ay u soo baqooleen dhinaca deegaanka Ceeldheer oo xiligaas ahaa meel ay ku yaaleen ceelal oo kaliya, Sida ay sheegayaan dadka yaqaan taariikhda degmada Ceel-Dheer.

Magaalada Mareeg oo ahayd saldhigii sadexaad ee maamulkii Talyaaniga dalka Soomaaliya ku lahaa ayaa ahayd magaalo leh daaro qadiimi ah cimrigoodana lagu qiyaasay ilaa afar boqol oo sanadood & kuwo talyaanigu dhisay kuwaas oo intooda baday weli ka taagan halkaas,waloow qaarkood aad u gaboobeen hadana waxaa weli bed qaba, Misaajidkii Sh Da’ud Culusoow, Saldhigii Police ka, Xabsigi, Musawac,Xafiisyo, iyo guryo fara badan, Magaaladan oo ah mid ku dheresan xeebta mareeg ayaa weli waxaa ku dhaqan dad u badan kaluumaysato & xoolodhaqato.

Markaan u soo laabano habkii looga soo guuray Mareeg Xaaji Maxamed Afrax Fareey ayaa ahaa ninkii ugu horeeyay ee dhisme ka kooban guri & dukaan ka taago Degmada Ceeldheer, dad badan ayaa isla markiiba qaatay fikradii Xaajiga taas oo suurto galisay in ay Ceeldheer noqotay xarun ganacsi oo ay u soo dukaameysi tagaan tuulooyinka ku dhow dhow & dadka reer miyiga ah, waxaana dhamaan u soo wada guuray dadkii reer Mareeg oo nolol ka bilaabay halkaas, Sanadkii 1956 waxaa la sameeyay doorashadii golaha odayasha waxana ka mid ahaa.
Geedi Shadoor Warsame.
Afrax Fareey Cabdi.
Maxamed Afrax Garuun.
Siyaad Daameey Cali Xume.
Cali Weheliye Daba yare.
Aw Hiloowlw Cali Gaban.
Cosoble Xarar Saar.
Ragaas waa maamulkii jiray xilgii Mareeg waxaana lagu kordhiyay ragaan.
Cumar Casir Kabootooy.
Macalin Cabdule Xaayoow Waraabe.
Maxamuud Cilmi Dacay.
Xasan Afrax Fareey.
Sh Xasan Maxamed Afrax (Tima Dheere)
Sh Ibraahin Qaboobe (Madoobe)
Xaaji Iimaan Gadow.

Waxaa kale oo ka mid ahaa hogaamiyeyaashii dhaqanka ee soo maray ka mid ah.
1- Shadoor Warsame Cali
2- Daameey Cali Xume
3 -Cosoble Xararside
4- Ow Hilowle Cali
5- Maxamed Maalin
6- Aadan Cilmi Xirsi ( Aadan Good).
7- Ciise Daba Dheere
8- Maalin Raage
Jiilkii xigay ee dhinaca Dhaqanka
1- Geedi shadoor
2- Afrax fareey
3- Maxed afrax garuun
4- Cali wehliye daba yare
5- C/lle hilowle
6- Doodshe aadan good
7- Xaaji iimaan gadow
Jiilkii sadaxaad lixdankii ee hayay taladii dhaqanka waxaa ka mid ahaa.
1- Geedi shadoor warsame.
2- Shiikh daa'uud culusow
3- Xaaji iimaan
4- Maxamuud cilmi dacay
5- C/lle xaayow
6- Cumar casir ka bootooy
7- Shiikh xasan maxed afrax
8- Shiikh ibraahim madoobe
9- Maxed afarax fareey
10- Xasan afarax fareey
Culumaa'udiinka soo maray ama caanka ka ah degmada ceel dheer waxaa ka mid ah.
1-Macalin Cabdulaahi Maxamed (Joqof)
2 - Sheekh Axmed Caraay
3 - Shiikh Daa'uud culusow
4 - Shiikh Ibraahim Yare
5 - Macalin Nuur Maxed Siyaad
6 - Shiikh Ismaan Shiikh Cumar (Xiddig)
7 - Shiikh Caamir Shiikh Ibraahim
8 - Shiikh Saciid Sh.Ibraahim Yare.
Iyo culumaa'udiin kale oo sumacad ku leh bulshada soomaaliyeed.

1954 Waxaa booqday Ceeldheer wefdi uu hogaaminayo Muuse Boqor oo markaas ahaa wasiirkii arimaha gudaha Dowladii Daakhiliyada ee Cabdulaahi Ciise madaxda ka ahaa waxaana dadkii la socday ka mid ahaa Daa’uud Cabdule Xirsi oo markaas ahaa Xidigle Military ah, Shir ay yeesheen waxgaradkii Ceeldheer & Muuse boqor ayaa waxaa laysla meel dhigi waayay qodabadii layku soo qaaday oo ay u horeysay in Ceeldheer laga sameeyo maamul Degmo.

Sagootintii wefdiga Muuse Boqor ayaa waxaa garoonka diyaaradaha isugu soo baxay dadweyne fara badan oo halkaas ka muujiyay sida ay uga xun yihiin in Muuse hor istaagay qorshahoodii ay ku doonayeen Degmonimo waxaana gabayga caanka ah ee ( Qoodhiinya xeradaa maxaa qadiyay Ceeldheer) ka tiriyay halkaas abwaan Jimcaale Dhega-taag waxaana ka mid ahaa erayadaas calaacalka ahaa:

Nimanaa qasnado buuxsadoo qalad wax loo siiyay.
Nimanaa qaboowsada hilbaha qadadda maalmeede.
Anagana waxaan soo qornaba waa la qariyaaye.
Nalamana qal qaalshoo qar baa nalaga xooraaye.
Qoodhiin ya xeradiin maxaa qadiyay Ceel dheer.
Mase qolo qolayntii horaad qiran tihiin waaga
Oo axdigaan wada qaadanaa nala qiyaamaayay.

1961dii waxaa sii xoogeystay dadaalkii lagu doonayo in Ceel-Dheer laga dhigo Degmo, waxaana dadaalkaasi waday Cali Geedi Shadoor & wax garad kale, dadaalkaasi oo markii dambe lagu guuleystay ayaa waxyaabihii suurto galiyay waxa ka mid ahaa iyada oo dadka ku dhaqan halkaas ay tiro ahaan u qalmayeen in ay helaan maamul degmo iyo weliba mashaariic ay ka mid ahaayeen Saldhig Police, Guriga Gudoomiyaha, Xabsiga, Cisbitaalka iyo xarumo kale oo uu maalgeliyay Cali Geedi Shadoor maadaama dowladii Soomaaliyeed ee xiligaas ayan lahayn dhaqaale buuran,

Bishii June 1961-kii waxaa Degmada Ceel-Dheer booqday C/rashiid Cali Sharma'arke oo ahaa xiligaasi Ra'iisul-Wasaare, waqti yar ka dib Ra'iisul-wasaare C/rashiid Cali Sharma'arke waxa uu markale booqasho ku tegay Ceeldheer isaga oo ah madaxweynaha Jamhuriyada Soomaaliya, Madaxweyne Sharma arke markii uu booqday Ceeldheer waxuu dadweynihii isugu soo baxay u balan qaaday in ay magaaladan helayso waxa ay mudan tahay taas oo uu ula jeeday Degmonimo.

1962-dii waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay degmanimada Degmada Ceeldheer taas oo in mudo ah ay wadeen waxgaradka degmada oo ay hogaaminayeen Allaha u raxmadee Xaaji Cali Geedi Shadoor & rag kale, waxaa hoos tago Degmada Ceel-Dheer tuulooy & degaano ay ka mid yihiin Nooleeye (Cowsweyne), Masago Waay oo hada loo yaqaan (Masago Weyn), Galcad (Ceel Maxaa Baare) Bud-bud, Caga-Cade, Cali yabaal & Tuulooyin kale.

Madaxdii Soomaaliyeed ee booqashada ku tagtay Degmada Ceel-Dheer waxaa kale oo ka mid ahaa Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, oo xiligaa isna Ra'iisul Wasaare ahaa, Sidoo kalane waxaa labo jeer booqasho ku tagay Madaweynihii Hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre ee mudada 21ksano ka talinayay dalka Soomaaliya,
SIYAASADDA.
1956 dii ka hor waxaa dalka Soomaaliya ka jiray maamulkii Talyaaniga ahaa ee A.F.I.S ( Adminstrizione Fuduciario Italiano Della Somalo) Maamulkaas ajnabiga ah waxaa la shaqayn jiray mid Soomaaliyeed oo loo yaqiin (Consiglio Teretoriale) degmo kastona waxay ku lahaan jirtay wakiil waxaana Ceeldheer wakiil uga ahaa Cismaan Maxamed Afrax. Xilgaas oo siyaasiyiinta Soomaalyeed u kala qabsanaayeen labo xisbi oo waaweyn kuwaas oo kala ahaa Lego oo doonaysay in dalku helo madaxbanaani & Pro Italian oo u ololeyn jirtay in uu sii jiro maamulka Talyaaniga ahaa ayaa waxaa xusid mudan in dhamaan siyaasiyiinta Ceeldheer ay ahaayeen Lego.

1959 kii waxaa dalka Soomaaliya ka dhacday doorashadii ugu horaysay baarlamaan Soomaaliyeed & kan dowlada hoose marka laga reebo maamulkii magaalada Muqdisho kaas oo la doortay1930 kii, waxaana xiligaas Ceeldheer laga soo doortay Mudane Cismaan Xaaji Maxamed Afrax & Mudane Cali Geedi Shadoor oo labaduba ahaa SYL.

1964 kii waxaa Degmada laga soo doortay Mudane Xaaji Cali Geedi Shadoor SYL, & Mudane Cabdulaahi Gacal Sabriye SNC. Municipiyadana Mudane Sheekh Yuusuf Guuleed Xasan SYL.

1968 kii waxaa Deg.laga soo doortay Mudane Xaaji Cali Geedi Shadoor SYL.Mudane Isaaq Iidoow Raage SAANU. Minicipiyadana Mudane Sh Yuusuf Guuleed, intaa ka dib Degmada Ceel-Dheer waxa ay soo martay marxalado kala duwan oo la jaanqaadayay isbadaladii maamul ee dalka soo maray.
Maamuladii soo maray Ceeldheer xiligii kacaanka ka hor waxaa ka mid ahaa Sayd Cumar Xaaji Gudoomiyihii ugu horeeyay, Mudane Xaaji Yuusuf Guuleed Xasan oo ku soo baxay doorashadii golahii deegaanka (Consiglio Municipale) & Mudane Cali Aybakar Shadoor, Sidoo kale waxaa soo maray madax kala duwan oo xilka gudoomiyanimada degmadaasi soo qabtay waxaana ka mid ahaa.

1- C/raxmaan Alfas (Dir)
2- Maxed Abuukar (Shiikhaal)
3- Cali Cumar (Isaaq)
4- Saciid Maxed Ibraahim (Majeerteen)
5- Shariif Cismaan ( Asharaaf)
6- Cumar Aweys ( Majeerteen)
7- Saciid Jaamac Xuseen ( Isaaq)
8- C/lahi Maxed Af-gab ( Majeerteen)
9- Max'ed Aadan Meyle ( Ogaden)
10- Maxed C/lahi ( Gudubiirse)
11- Jaamac Darbaal ( Majeerteen)
12- Xuseen Cabdi ( Mareexaan)
13- Khaliif Cabdule Fiidoow ( Xawaadle)
14- Saciid Maqoote ( Reer Xamar)
15- Max'ed Muuse ( Siwaaqroon)
16- Xaaji Deg-deg ( Carab Maxamuud Saalax)
17- Maxed Faarax (Ogaden)
18- Xuseen Max'ed Cosoble (Abgaal)
HALYEEYADA SOOMALIYEED EE KA SOO JEEDA CEELDHEER.
Degmada ceel dheer waxaa sidoo kale ku dhashay kuna soo barbaaray siyaasiyiin caan Ah saraakiil iyo halgamayaal qeyb ka qaatay xornimada maanta aan harsaneyno.
sadex ka mid ah 13 KII aas-aase ee xisbigii leegada SYL ayaa waxa ay ahaayeen kuwo u dhashay degmada ceel dheer waxaan ka mid ahaa.

1-Bidix Max,ed faarax hilowle (Farnaajo)
2-Dhaxda Cismaan geedi raage
3-Midig Max,ed cali nuur.

Halka tobanka soo hartayna ay u dhasheen shanta Soomaali taas oo ka dhigaysa in halgamayaashi xoriyada aanu maanta harsanayno sadax meelood meel ku dhawad ay ka soo jeedeen Degmada Ceeldheer, taas oo keentay in sanadihii lixdamaadkii ay badan u yaqiineen Deg.Ceeldheer hooyadii Xoriyada Soomaaliyeed.
Dadkii aad loo yaqiin waxaa kale oo ka midahaa

Siyaasiyiinta kala ah.

Gen.Daa'uud Cabdule Xirse
Gen. Salaad Gabeyre
Taliyihii Ciidamada.Maxamed Jimcaale Surwaal gaab.
Gen. Cabdule Barre Qalaaye.
Vice-president. Xuseen kulmiye Afrax
Hogaamiye.Xaaji Maxamuud Maxamed (baraako)
Avv. Ismanciil Jimcaale Cosoble
Gen Abuukar xasan wehliye Suulaleey
Gen. Isaaq Iidow Raage.
Deputato (MP) Cali Geedi Shadoor
Deputato (MP) Sayd Cumar Maxamed Xaaji.
Deputato (MP) Axmed maxamed Afrex (Shuqul)
Deputato (MP) Cusman Maxamed Afrex
Dir.Gen Xuseen Maalin Jimcaale.
Dir. Gen. Of Information, Xuseen Xaaji Max,ed( bood)
Sindiko C/laahi gacal sabriye
Deputato (MP) C/laahi geedi Shadoor
Deputato (MP) Ibrahim Sh.Cali Jeebe
Dir.Gen Prof. C/laahi Maxamed Afrex
Gen. Cusmaan Cumar wahliye(gas gas)
Dir. Gen. Of Somali Airlines, Maxamuud Maxamed Guuleed.
Dir. Gen. Of Somali Shipping Agency. Axmed Xaaji Gacal.
Inj. Cabdulqaadir Maxmed Cabdule Madexeey.
Gen. Cabdi Maxamed Fiidoow.
Dir.Gen. Sayd Cali Cabdule Barre.
Dir.Gen.Xirsi Cabdule Xirsi.
Dir.Gen. Cabdi Cali Faroole.
Dir.Gen Cabdulqaadir Yalaxoow Hiraabe
Dir.Gen Maxamed Yalaxoow Maalin.
Deputato (MP) Ismanciil Macalin Muuse.

Bidix Gen Salaad Gabayre Kadiye.
Madaxweyne Aaden Cabdule Cismaan.
Dhexda Gen. Daa’uud Cabdule Xirsi.
Dharka cad Gen. Xuseen Kulmiye Afrax. & Midig Gen Dufle

Sadex kamid ah wefdigaan ay wada socdaan Madaxweyne Aaden Cadde waxay u dhasheen Deg. Ceeldheer.


Marxalada haatan ay ku sugan tahay degmada Ceel dheer.
Gabi ahaan Degmada Ceel-Dheer kama jiro maamul guud oo hoostaga dowlad dhexe waxaase ka jira maamul madax banaan oo deegaanku samaystay kuwaas oo suurto galiyo adkeynta nabadgalyada deegaanka iyo xalinta mishaakilaadka.
Tan & burburkii dowladii hore wixii ka dambeeyey Degmada Ceel-Dheer waxa ay ku talaabsatay horumar dhinacyo badan leh oo isugu jira caafimaadka, waxbarashada, isgaarsiinta & adeegyada kale ee bulshada lagama maarmaanka u ah, degmada waxa ay leedahay Cisbitaal qalabeysan oo qabta adeegyo caafimaad intii loo baahdo, waxaana cisbitaalka gacanta ku hayo oo dhinaca daawada iyo taakuleynta shaqaalaha ka caawiyo hay'ada CISP,maamulka waxaa gacanta ku haya gudiga caafimaadka degmada , dhinaca waxbarashada degmada iyo tuulooyinka hoos tago waxaa ka jira 8 dugsi Hoose/Dhexe, kuwaasoo laba ka mid ah ku yaaliin degmada gudaheeda , dugsigii hore ee degmada waxaa ka howl galo lix iyo toban macalin oo uu mushaaradooda bixiyo ganacsade C/risaq Isaaq Iidow, dugsiga kalana waxaa uu hoos tagaa hay'ada al islaax.
Dhinaca isgaarsiinta Ceel dheer waxaa markii ugu horeeyey laga hirgaliyey degmada horaantii 2004tii mashruuc isgaarsiineed kaas oo ay maalgelisay shirkada isgaarsiinta Nationlink waxayna taasi suurto galisay in dadku helaan adeeg tellefoon iyo internet,.
Dadka ku dhaqan Degmada Ceel-Dheer tiro ahaan waxaa lagu qiyaasaa 8,000 kun oo qoys oo ku nool dhamaan deegaanada hoostaga Degmada Ceel-Dheer, dhaqaalahoodana waxa uu ku tiirsan yahay xoolaha nool, kaluumeysiga, beeraha oo inta badan ku xiran waraabka roobka iyo ganacsiga caadiga ah,
Waxa ay Degmadu xarun u tahay barashada culuumta Islaamka waxana wax ku barta arday (Xer) ka kala yimaado gobalada dalka soomaaliya qaar ka mid ah waxaana gacanta ku hayo Shiikh Cismaan Shiikh Cumar Shiikh Daa'uud & Sheekh Caamir Sheekh Siciid Seekh Ibraahin Yare oo labaduba hayo goobo wax barasho oo la furay bartamihii qarnigii 18aad.
Degmada waxaa ku yaal garoon caalami ah oo ay maalgalisay hay’ada Talyaaniga ah ee CISP iyo madaxa shirkada Alba Inj Cali Xuseen Maalin waxaana si joogta ah u isticmaalo diyaarado u badan kuwa hay’adaha gar gaarka oo todobaadkii sadex jeer agab isugu jira daawo & qalab caafimaad soo gaarsiiya labada cisbitaal ee degmooyinka Xarar dheere & Ceeldheer.

Caafimaadka.
Waxay Degmadu leedahay cisbitaal aad u weyn kaas oo ay maalgeliyeen hay’ada CISP & ganacsato Soomaaliyeed,waxuu leeyahay qayb qaliinka, oo ay ka shaqeeyaan dhaqatiir Soomaali & ajnabi isugu jira, maamulka cisbitaalka waxaa ka mid ah.
Agaasimaha. Dr Cabdi Nuur Sh Axmed.
Wakiilka Ha’ada CISP Calas Abuukar
Xisaabiye. Cali Barqadle.
Maamule. Yaxye Xaaji Iibaan.
Qaybta dhalaanka & Caruurta Faadumo Cimaan Xasan.
Waxaa degmada kajira ururo bulsho sida ururka haweenka oo ay madax ka yihiin hablaha ka la ah.
1- Dahabo Cali Geedi
2- Xaliimo Xasan Shiikh
3- Xaawo taakilo
4- Faadumo Xaaji Iimaan
Ururka Dhalinyarada oo Waxqabad kiiso u badanyahay Dhinaca sportiga waxaa madax ka ah.
Cismaan Cali Yuusuf
Maxmed Gaaxsane (Bali)
Maxamed Abuukar Dhega-cade
C/laahi Nuur Shiikh Axmed
C/qani Max,uud Cali
C/raxiin Cusmaan Cali
Calas Abuukar Xasan
Degmada Ceel-Dheer waxa ay ka kooban tahay sadex xaafadood oo dhismooyin bilicsan dhawaanahan laga dhisay, waxay degmada xuduud la leedahay Xarardheere , Ceel-Buur, Aadan Yabaal , Maxaas, Gal-Hareeri, iyo Degmada Ruun-nirgood.
Ugu dambeen Degmada Ceel-Dheer waxaa la dhihi karaa waa mid horumartay sanadihii la soo dhaafay

By Ahmed Nur Sh Yusuf Guled .
& Maxamed Shidane Dabaan.

Booqo Qormadii koowaad ee Taariikhda Deg Ceeldheer & Maxamed Shidane Dabaan.

Xafiiska wararka Allceeldheer.com Muqdisho-Somalia


Wareysiyada
Sawirada Banaanbax ka dhan ah ciidamo shisheeye 05,09,2006
Xukun tacsiir ah oo ay fulisay maxkamadda islaamiga Towfiiq
Sawirada Xukun Tacsiir ahoo ay fulisay Maxkmadda Towfiiq 30/8
Munaasabad lagu balaarinayo Maxkamadda Towfiiq
Sawirada Munaasabad lagu balaarinayo Maxkamadda Towfiiq 20,08,2006
Markabkii ugu weynaa
Markabkii ugu weynaa oo ku soo xirtey dekedda Muqdisho 26,08,2006
Maleeshiyo ka soo goosatay dowladda KMG ah
Daawo sawirada Maleeshiyo ka soo goosatay dowladda KMG ah 16,08,2006
Madaxda sar sare
Dhageyso Madaxda sar sare ee DFS oo maanta ka hor cadeeyay Baarlamanka in ay heshiiyeen 07,08,2006
Geedi
Dhageyso Geedi: Argagixisada Somalia waxaa taageera dalalka Iran, Masar, Libya oo u soo mariya Eirtrea 29,07,2006
Sheekh Xasan
Dhageyso Xasan Daahir oo ku baaqaya jihaad lala Galo Ethiopia 21,July.06
Sheekh Cali raage Shanle
Gud, Maxkamadda Towfiiq, Sheekh Cali Raage Shanle oo ka hadlaya wax qabadka maxkmadda Towfiiq 20,July.06
Geedi
Dhageyso Geedi oo sheegay in Muqdisho ay joogaan dagaal yahano laga keenay Eritrea 19,07,06
Dhageyso Gudoomiyaha Maxkamda Sinaay, Shekh Dahir Sheekhow oo ka waramaya shineemo ay xireen xalay.19,07,06
Daawo Sawirada hubkii Muuse Suudi ee ku biiray Maxkamadaha 15,july,06
Cabdulaahi Yuusuf
C/lahi Yusuf: Dagaalyahno ajaanib ah ayaa ku sugan Somalia (15,07,06)
Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho
Daawo sawirada 11 Sano ka dib oo maanta diyaarad ay ka soo dagtay Garoonka Muqdisho14,july,06
tikniko
Daawo sawirada hubkii laga wareejiyay C/qaadir Beebe iyo Bashiir Raage 13,July-06
Max'uud C. Caddaan
Dhageyso qaabkii ay u dhacday hubkii Bashiir Raage oo lagu wareejiyay Max'ud Cumar Cadaan. 13,July-06
Mogadishu Port
Daawo sawirada dekedda oo shalay lagu wareejiyay Maxkamadaha13,July-06
Prof. Togane
Prof. Togane oo ka hadlaya isbadalka caasimadda 12,July-06
Sheekh shariif: Halaga faaiideyso guusha la gaaray 11,July-06
Tacsi loo dirayo eheladii uu ka geeriyooday Siyaasiga Max'ed Yalaxow Maalin01,06-06
Geedi
Dhageyso Geedi oo jawaab kulul ka bixinaya hadaladii Osama Bin laden 02,July-06
Sheekh Shariif
Dhageyso Sh. Shariif oo dhahaya Cidkasta oo Muqdisho imaaneyso waa in ay ogolaasho ka heysataa Maxkamadaha iyo arimo kale 02,July-06
Cumar Filish: Rag Culumo ah ayaan ku wareejiyay hubkeyga 30,june-06
Dhageyso Col. Cabdi Qeybdid "Waxaa i soo weeraray Beel wadata Magac maxkamad 27,june
HAMBALYO loo direy Nikaax aroos ah oo ka dhacay magaalada London 26,june-06
Geedi
Maxkamadaha falal dhac, iyo kufsi ayay ka geeysteen Sh/dhexe 19,june-06 
Wareysi Cabdulaahi Yuusuf uu siiyay BBC
Dhageyso C/laahi Yuusuf: Waxaan u arkaa Maxkmadaha in ay yihiin xukun doon-Source BBC 17,june-06
Kadare: Maanta laga bilaabo Muuse iyo Bashiir kama mid ahan Isbaheysiga la dagaalanka argagixisada 14-june-06
Dageyso Sheekh Shariif oo ka qudbeeyay Jowhar 14-june-06
Dhageyo Kadare oo ku tilmaamaya labada dhinac in ay yihiin argagaixiso 08-june-06
Wariye Max'ed Yuusuf
Max'ed Yuusuf Axmed
Somalia: Dal ay bur-buriyeen Beesha Caalamka Aqri
XIldhibaan
WAXAY KUU DHIGEEN MA KUGU DHAQEEN?
Dhageyso Qodobo xasaasi ah oo ka soo baxay kulankii shalay ee siyaasiyiinta mudulood 06-06-06
Ra'isulwasaaraha Somalia Prof. Cali Max'ed Geedi
Dhageyso geedi oo xilka ka qaadaya 4 wasiir 4-6-6
 
 
© 2005 Allceeldheer.com , Designed by Baabul-Softwares
amazingcounters.com